caabuq
(m.l)1. Hurgumidda meel dhaawac ah; fasas. 2. C. ah: nafley xoog lahayd oo jirro, nafaqo darro awgeed la tabar darreysay. ld caabaq¹. caabaq, fasas
caabuq
(m.l)(daaw.) Halaamacoodka caloosha iyo mindhicirka sida badan waxa keena fiirus ama baktiiriya ama cunno sumow; wuxuuna keenaa matag iyo shuban.
caabuq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-qay, -qday)1. Meel dhaawac ah hurgumid. 2. Nafley tabar darreyn jirro, nafaqo darro iwm awgeed.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caabuq ↴
caabaq [m.l]
ld caabuq¹. caabuq
caabaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
ld caabuq³. caabuq
caabaqid [m.dh]
ld caabuqid. caabuqid
caabuqid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg caabuq³. ld caabaqid. caabuq, caabaqid
caabuqtire [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
(baay.) Walax laga helo noolayaasha yaryar gaar ahaan mooldiska, kuwaas oo baabi'iya ama joojiya koritaan noolayaal kale oo ilima-aragtay ah
gaar ahaan bakteeriyada iyo fangiga
cudurrada faafiya. Caabuq- tirayaasha caanka ah waxa ka mid ah: beenasaliin, istarabtumaysiin iyo tetrasay-kalin.
benisiliin [m.dh]
(daaw.) Daawo ka sameysanta jeermiga loo yaqan “penicillum - notatum” loona isticmaalo daaweynta caabuqa oo ay keenaan jeermiyaal aad u kala duwan.
caallir [m.l]
Hurgumidda meel dhaawac ah; fasas; caabuq. ld caallirid.