caar
(m.l)1. Midab baraashirix ah oo lo'da ariga iyo farduhu yeeshaan. 2. Cudur haragga dadka ku dhaca oo baro cadcad u yeela; qawad.
caar
(m.l) (-rar, m.l)Xubinta taranka ee ratiga.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caar ↴
saabcaarayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saabcaaree. saabcaaree
saabcaaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Wax qaabka xuubka caarada leh samayn.
saabcaaro [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-ooyin, m.l)
1. Xuubka caarada. 2. Dunta xuubka caarada oo dharka lagu kor tolo si loogu qurxiyo.
tadcaar [m.dh] (-rro, m.dh)
ld tacdaar¹.
tadcaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
ld tacdaar².
tadcaarasho [m.dh]
ld tacdaarasho.
tadcaarid [m.dh]
ld tacdaarid.
tadcaaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
ld tacdaaro.
wacaari [m.dh]
Geed aan qodax lahayn oo leh mayrax iyo asal iyo miro la cuno. ld wacanri.
xajiin [m.dh]
Cuncun haraggu dareemo oo oogadu aad u kahato oo waxyaalo kala gaar ah laga qaado (sida: dhirta qaarkeed, habaaska, cunnada, iwm); cadanyo; caaro. ld xajiimo.