caarad
(m.l) (-dyo, m.dh)1. Xoolo ama dad wada socda intooda ugu horreysa. 2. Asbuuc, bil sanad iwm billowgiisa.
caarad
(m.dh) (-do, m.l)Af fiiqan oo wax mudi kara.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caarad ↴
saabcaaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Wax qaabka xuubka caarada leh samayn.
saabcaaro [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-ooyin, m.l)
1. Xuubka caarada. 2. Dunta xuubka caarada oo dharka lagu kor tolo si loogu qurxiyo.
arkaniida [m.l]
(baay.) Dir ka tirsan artaraboodhaha berriga ku nool kana kooban ilaa 5.000 oo sinji oo ay ka mid yihiin caarada, dabaqallooca, shilinta iyo aboorka. Jidhka arkaniiduhu wuxuu u qaybsamaa qayb hore oo loo yaqaanno madax saabley iyo qayb dambe oo loo yaqaan ubuc.
baallacad [m.dh] (-ddo, m.l)
Nooc warmaha yaryar ka mid ah oo aan caarad dhuuban lahayn, lehna af ballaaran iyo tiir weyn.
baalxaaf [m.l] (-fyo, m.dh)
Nooc ka mid ah warmaha waaweyn oo caarad dhuuban oo dheer leh.
billaawe [m.l] (-wayaal, m.l/dh)
Mindi labada dhinac af ku leh, caarad dhuuban iyo daab xardhan oo gees ama caag iwm ka samaysan leh oo ay ragga qaataan; magli.
caarad-dhuub [m.l] (-byo, m.dh)
1. Wax kasta oo af fiiqan leh. 2. Nooc warmaha ka mid ah oo af fiiqan leh. 3. Nooc ka mid rasaasta oo af fiiqan leh.
cayayaan [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-nno, m.dh)
Bahallada yaryar, aan laf iyo dhiig lahayn oo leh lix ama siddeed lugood, oo ay ka mid yihiin kaneecada, caarada, duqsiga iwm.
caar [m.l]
1. Midab baraashirix ah oo lo'da ariga iyo farduhu yeeshaan. 2. Cudur haragga dadka ku dhaca oo baro cadcad u yeela; qawad.
caar [m.l] (-rar, m.l)
Xubinta taranka ee ratiga.