Site icon Qaamuus

jawaabta

cadduun
(m.l)

Dhul ciiddiisu jilicsantahay, aan boor lahayn oo geedgaab ka baxa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cadduun

oogo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Jirka sare ee nafleyda. 2. Dhulka meeshiisa aan cadduun iyo dooxo ahayn. 3. Wax dushood sare. Tus. “Buurta oogadeeda”.

qaansoole [m.l]
(bot.) Nooc geedgaabka ka mid ah oo baxsha laamo kor u baxa oo soo qalloocda, qaabka qaansada yeesha, kana baxa cadduunka.

kalagal [m.l]
Meesha ay cadduunka iyo buuraleydu iska galaan.

madaxmaygaag [m.l]
Geedgaab xooluhu daaqaan oo ka baxa cadduunka.

masciideed [m.l]
(c.nafl) Nooc masaska halista ah ka mid ah oo leh midab dhiin ah oo badanaa jooga dhulka cadduunka ah.

shanfarood [m.l]
Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban, caleemo yar-yar iyo miro la cuno oo ka baxa cadduun-ka.

suubaan [m.dh]
1. Dhul bannaan oo ciid guduudan oo carro san ah leh oo caws ka baxo. 2. Nooc qorratada ka mid ah oo ku nool dhulalka cadduunka ah. 3. Miraha goosayga iwm oo bisil marka ay wax yar dharaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version