cagag
(m.l)Weel gun gaaban.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cagag ↴
cagaggubyo [m.dh]
Kulka cagta nafleydu dareento markay kulaylka qorraxdu ku dhacdo ciidda. ld cagagubad.
cagaggubyoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Cagagubyo dareemid.
cagaggubyood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg cagaggubyoo.
cagago [m.dh]
Nabarro salka carrabka ee dadka iyo geela ka soo baxa.
cagagubad [m.l]
ld cagaggubyo.
cag [m.dh] (-go, m.l)
1. Canqawga inta ka hooseysa ee lugta dadka ama nafleyda qaarkeed. 2. (fk) C.ta/c.aha: imminka; hadda.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg