camal
(m.l)1. Hawl, shaqo. 2. Abuur, dabeecad. 3. Xanaaq, dhirif, caro. 4. (s) Sidiis, oo kale. Tus. “Buuggaas camal ii keen”.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh camal ↴
wadaad [m.l] (-ddo, m.l)
Nin diinta islaamka wax ka bartay kuna camalfala oo dhowrsan.
ajar [m.l]
1. ld ajir, ajri. Abaalgud Eebbe siiyo qof camal wanaagsan sameeyey. 2. ld ajarid.
bartiyaqaan [m.l] (-nno, m.dh)
Qof hantidiisa ama camalkiisa ku dheggan oo aan sida ku habboon uga faa'idaysan.
camalfal [m.l]
ld camalfalid.
camalfal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay)
1. Camal wanaagsan Eebbe dartii u sameyn. 2. Ku c.: amar sidii laga rabay u fulin.
camalfalad [m.l]
ld camalfalasho.
camalfalasho [m.dh]
eeg camalfalo. ld camafalad.
camalfalid [m.f.dh]
eeg camalfal². ld camafal¹.
camalfalo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ashay, -alatay)
Camal wanaagsan Eebbe dartii u samayn.