Site icon Qaamuus

jawaabta

cambaar
(m.l)

1. Roob da'a xilli jiilaal. 2. Xiddig magaciis.

cambaar
(m.dh)

(daaw.) Cudur maqaarka ku dhaca oo goobo-goobo waaweyn oo cuncun leh u yeela; halaamacood maqaarka intiisa sare oo leh cuncun, finan iyo qolof.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cambaar

cambaarayn [m.f.dh]
eeg cambaaree.

cambaarcad [m.dh] (-dyo, m.dh)
Qawad. Cudur aan halis ahayn oo maqaarka dadka ku dhaca oo barobaro cadcad leh; qawad.

cambaaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Cambaar u yeelid. 2. Cid ceeb iyo dhaliil ka faafin; dhaleecayn, ceebayn.

cambaarmadow [m.dh]
Cambaar aad u cuncun badan; goosato.

cambaaroobid [m.f.dh]
eeg cambaarow.

cambaarow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Wax cambaar ku dhacday noqosho. 2. Wax la dhaleeceeyay noqosho (qof).

goosato [m.dh]
1. Kasoobax weyn oo meesha uu ka soo baxo gooya. 2. Cambaarmadow. ld goosey¹, gooye.

qawad [m.l]
1. Saluugidda la saluugo wax la isa siiyo. 2. ld qawid. Cudur aan halis ahayn oo maqaarka dadka ku dhaca oo barobaro cadcad leh; cambaarcad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version