Site icon Qaamuus

jawaabta

cambaaree
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-reeyay, -raysay)

1. Cambaar u yeelid. 2. Cid ceeb iyo dhaliil ka faafin; dhaleecayn, ceebayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cambaaree

cambaarayn [m.f.dh]
eeg cambaaree.

cambaar [m.l]
1. Roob da'a xilli jiilaal. 2. Xiddig magaciis.

cambaar [m.dh]
(daaw.) Cudur maqaarka ku dhaca oo goobo-goobo waaweyn oo cuncun leh u yeela; halaamacood maqaarka intiisa sare oo leh cuncun, finan iyo qolof.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version