Site icon Qaamuus

jawaabta

cambar
(m.l)

Shay udgoon, xabag u eg, uurka nibiriga qaarkii ku samaysma oo xeebaha laga helo. ld canbar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cambar

asli [m.l]
1. ld asali. 2. (-iyo, m.dh) Kuul cambar ah.

cambarshe [m.l] (-shayaal, m.l/dh)
1. Qalab qaab bil leh, lacag ka samaysan, shunufyo ka laalaadaan oo haweenku qoorta ku xirtaan. 2. Uunsi cambar lagu daray. 3. Nooc cambarka ka mid ah oo aan qiimo badan lahayn. ld canbarshe.

cambaruud [m.l]
Miro jilcan, midabkoodu cas yahay oo aad u macaan.

canbar [m.l]
ld cambar.

canbarshe [m.l] (-shayaal, m.l/dh)
ld cambarshe.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version