Site icon Qaamuus

jawaabta

candho
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Xubinta caanahu galaan ee xayawaanka dheddig.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh candho

banmar [m.l]
1. Cudur caaliriya candho neef markaa dhalay oo ka yimaadda nadaafaddarro. 2. ld banmarid.

candhakar [m.l]
Weynaan iyo barar ka muuqda candho aad caano uga buuxsameen.

candhee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-dheeyay, -dhaysay)
1. Neef irmaan candho keenid. 2. Neef sid dhaweeyey gor yeelasho.

candhokar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Candho xoolaad aad u dararid.

candhokarid [m.f.dh]
eeg candhokar.

candhokarsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Candho xoolaad wax aad u dararsan ahaansho.

candhokarsanaan [m.f.dh]
eeg candhokarsan. ld candhokarsanaansho.

candhokarsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld candhokar-sanaan.

cari [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Qof ama xayawaan ka caraysiin. 2. (f.mg) Neef rimman candho keenid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version