Site icon Qaamuus

jawaabta

carab
(m.l)

(carab, m.dh) 1. Qof sinjigiisa ka soo jeeda ummadda uu nabiga u dhashay. 2. Midab lo'da iyo riyuhu yeeshaan oo casaan iyo caddaan isbarxay ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh carab

jaahiliyad [m.dh]
1. Ku dhaqmid la'aanta diinta islaamka. 2. Xilliga Islaamka ka hore ee taariikhda carabta.

alif [m.l] (-fyo, m.dh)
1. Xarafka ugu horreeya farta Carabiga. 2. Alifba'. 3. Astaan alifka u eg oo xoolaha lagu sunto. 4. (alfaan, m.dh) Darajo la siiyo sarkaalxigeenka.

badfur [m.l]
(juqr.) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadidka baddu uu jiro ama uu furanyahay. Badda Carabta, waqtiga jilaalka ah oo ay dhacayso dabaysha mansuunta ee ka immaanaysa lid-gufaacada Sayberiya, kolkaas oo dabayluhu fududyihiin Badda Carabta dusheeda, taas oo u wanaagsan badmaaxidda gobolkaas. ld badfuran.

badxidhan [m.dh]
(juqr.) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadiidka baddu uu xiranyahay. Badda Carabta, xilliga xagaaga oo ay dhacayaan dabaylaha mansuunta waqooyi galbeed, waa marka dabaylaha xeeb-ku-jeedka ah ee ka immaanaya dhanka Soomaaliya ay ka dhigaan Badda Carabta mid duufaani ka dhacayso oo aan suurtaggelinayn badmaaxidda gobolkaas. ld badxir, badxiran.

carabayn [m.f.dh]
eeg carabee. ld carabiyeyn..

carabbaabba' [m.l]
Degganaan ka muuqata qof caro haysay ka tirantay..

carabbaabba' [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-'ay, -'day; -bi'i)
Qof caro haysay ka tirmid..

carabbaabbi'id [m.f.dh]
eeg carabbaabba'².

carabcad [m.l]
Neef ido ah oo wada cad; shiikh.

car [m.l]
1. Qadiidka ku hara weel la culay. 2. Dhadhanka ay yeeshaan caano, biyo iwm oo lagu shubay weel la culay. 3. Cudur candhada geela ku dhaca oo dildilaaciya. 4. (e.d) C.!: haddaad ku dhacdid!; Wir.

car [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Car noqosho. ld cartan².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version