cari
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-iyay, -isay)1. (f.g) Qof ama xayawaan ka caraysiin. 2. (f.mg) Neef rimman candho keenid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cari ↴
xaari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Ilmo si uu u saxaroodo majasaarid. 2. Cariish dhiriq marin.
beni [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Deyd dhagax ka samaysan oo beeraha timirta lagu kala qoqobo. 2. Cariish ka samaysan dhagax iyo qoryo. 3. (ld bini) Lacag bir ah ka mid ah lacagta sarrifka ee Ingiriisiga o laba iyo tobankii beni u dhiganta hal shilin.
carid [m.dh]
ld cartamid.
cariigsad [m.l]
ld cariiqsasho.
cariigsasho [m.dh]
ld cariiqsasho.
cariigsi [m.l]
ld cariiqsasho.
cariigso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
ld cariiqso.
cariiq [m.l]
Wax qadiin ah; wax qiimo leh; wax caan.
cariiqsad [m.l]
ld cariiqsasho.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg