ceeb
(m.dh)Sharaf darro ka timaada fal ama hadal anshaxdarro ah oo qof ku kaco. ld ceebaal.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ceeb ↴
haaraan [m.l]
1. Eedeynta cid wax ayna qabin oo ay ka gubanayso lagu eedeeyo. 2. Ceebayn cid loo jeediyo. ld haaraamid. haaraamid
haaraan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
1. Ku h.: eed aan sal lahayn cid u jeedin. 2. Cid ceebeyn.
maamuusjab [m.l]
Sharafta iyo xushmadda oo la waayey ceeb dhacday darteed, maskabjab. ld naamuusjab¹.
nacaladaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax nacalad ku dhacday ahaansho. 2. Wax aad loo ceebeeyay ahaansho. ld lacanadeysan, lacnadeysan, nacalladeysan.
qaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.
yaxyax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday)
Qof ceeb weyn dareemid.
agagas [m.l]
Qof aan ka xishoon waxyaabo bulshada uu la noolyahay ceeb ula muuqda.
ardaal [m.l] (-llo, m.dh)
Qof aan ceebta ka xishoon.
astur [m.l]
1. Qarinta ceeb ama iin cidi leedahay. 2. ld asturid.
astur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Cid ceebteeda qarin. 2. Wax dayacan xafidid. 3. Wax xabaalid.