Site icon Qaamuus

jawaabta

ceeriin
(m.l)

Miro, hilib iwm oo aan bislaan. ld cayriin, qayriin, qeeriin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ceeriin

ammaan [m.l]
1. Nabadgelyo. 2. Qodob yar oo ku yaal buntukha, bistooladda, hubka qarxa iwm oo marka la xiro qaraxa ka ilaaliya rasaasta ama hubka kale. 3. Cad kala bara kuruska geela oo sida badan ceeriinka laga cuno.

askax [m.dh]
1. Geed dhirta yaryar ka mid ah oo mirihiisa ceeriinka lagu cuno. 2. Miraha geedka askaxa. 3. A. ka dhig: gumaadid. ld askaax.

cayriin [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
ld ceeriin.

ceeriintahan [m.dh]
Nooc ka mid ah libaax badeedka waaweyn, midab madow leh, halis ah oo u eg hambabarrada.

ceerin [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax ceeriin ah ahaansho.

kuwaatis [m.l]
(jool.) Mid ka mid ah macaadintra aad loo helo, oo ku jirta dhadhaabooyin iyo carrooyin badan iyadoo leh qaabab kala duwan, badanaa waxay buuxisaa dhuumaha, isgalooyinka, iyo hogagga dhadhaabaha. Badanaa waxaa ku qasan macaadin kale, oo ay ka mid yihiin birta ceeriin. Waxay ka samaysantahay silika iyo ogsajiin. Waxay samaysaa xaddigu ugu badan ee bataaxda.

qamir [m.l]
Q. ah: badar yar oo ceeriin ah.

qamir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Badar ceeriin ku cunid (qof).

qariid [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Badar ama wax u eg oo ceeriinka lagu cuno.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version