Site icon Qaamuus

jawaabta

ciddo
(m.dh)

Muddo go'an oo haweenayda laga dhinto ama la furo ay tirsato oo aan la guursan karin inta ay ku jirto. ld cuddo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ciddo

ciddabbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Haweeney la furay ama laga dhintay ciddo dhameysasho. ld cuddabax².

ciddood [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
ld cirdood.

ciddoodoobid [m.f.dh]
eeg ciddoodow.

ciddoodow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-doobay, -dowday)
Ciddood noqosho.

cirdood [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Ugaadh. ld ciddood.

cuddo [m.dh]
ld ciddo.

golmaran [m.f.kh]
1. Dheddig xoolaad ama dad oo aan uurkiisa ilmo ku jirin, caruurna nuujineyna. 2. Oori ciddoodi jirtay oo faramaran kaga timid. 3. Nin aan hub sidan.

cid [m.dh] (-do, m.l)
1. Koox dad ah oo meel ku wada nool. 2. Qof ama wax ka badan. Tus. “Maanta c. ma arag”. 3. Qaraabo; reer.

cid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Cid biyo ku hafin. 2. Sanduuq, weel iwm oo buuxa, wax dheeraad ah ku ciriirin si uu u qaado.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version