Site icon Qaamuus

jawaabta

ciiro
(m.dh)

1. Midabka ciiryaamada; wixii kaloo midabkaas yeesha (habaas badan oo dabayli kiciso, qiiq iwm). 2. Boor ay dabayl kicisay.

ciiro
(m.dh)

(c.cimi) Cuf saxarro yaryar oo boor ah, qiiq iwm kuwaas oo qariya gibilka ilaa iyo meel u dhaw dhulka dushiisa, taas oo keenta in uu yaraado araggu ilaa iyo 2 Km. meel ka hooseysa marka laga soo cabbiro dhulka dushiisa, laakiin 1 Km. ka hoos ciiradu kama jirto.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ciiro

baalfallaar [m.dh]
Shinbir dhabarka ka cad, calooshana madow ciiro bus ah ku leh, oo dabo ganto ah iyo baalal dhadheer oo u eg kuwa fallaarta leh.

bayrac [m.dh]
(c.nafl.) Ugaar deerada la bah ah oo dhega balballaaran iyo midab ciiro ah leh oo dhulka dullada ah ku nool.

carceero [m.dh]
1. ld ciiraciiro. Muuqaal ciiro ku jirto. 2. Kaalmo; gargaar.

ceeryaan [m.dh]
Dhado iyo ciiro isku jira. ld ceeryaamo, ciiryaamo, ciiryaan.

ciiraciiro [m.dh]
ld carceero.

ciiraysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax ciiro qarisay ahaansho.

ciirayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Wax ciiro yeelasho. 2. Cid, ciir doonasho.

ciiree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Wax ciiro u yeelid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version