Site icon Qaamuus

jawaabta

cirir
(m.l)

1. Godka laba iyo labaatanaad ee dayaxu fariisto. 2. Xiddig dayaxa la fariista xilliga jiilaalka. 3. Qof adadag oo ayaan badan oo dhashay xilliga xiddiggaas.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cirir

jid-dhiriqle [m.l]
1. Xiddigaha cirir mid ka mid ah. 2. Roob da'a xilliga guga. 3. Godadka dayaxu dego midkood.

jidgabaarre [m.l]
1. Xiddigaha cirir mid ka mid ah. 2. Godadka dayaxu dego midka saddex iyo labaatanaad.

meecaad [m.dh]
1. Xiddigaha cirirka tan ugu dambaysa oo u dhexaysa rad dambe iyo godinta. 2. Nasiib wacan.

miscirir [Magac Dheddig | Noun Feminine]
ld miscilil¹.

cir [m.l]
1. Samada sare, buluug ah oo ay xiddiguhu ka muuqdaan. 2. Roob.

cir [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
(c.nafl.) Xaddiga cuntada ee qof caloosha ku qaadi karo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version