ciso
(m.dh)1. Xurmo. 2. Dhiigga haweenka bishiiba mar ku dhaca; caado. ld cis.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ciso ↴
casiis [m.l]
1. Ilaah. 2. C. ah: ciso leh.
casiisad [m.dh]
1. C. ah: ciso leh (haweenay). 2. Kimis, si gaar ah oo farsamo iyo aalad badan u baahan, loo sameeyo.
cis [m.l]
ld ciso.
ciso-la'aan [m.dh]
(daaw.) La'aanta ama joogsashada caadada (dhiigga) ay dumarku bishii mar helaan. Caado ma laha gabdhaha aan baaluqin, dumarka uurka leh ama caano laga nuugayo iyo kuwa dhalmo dayska ah.
dhicisoobid [m.f.dh]
eeg dhicisow.
dhicisow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
1. Dhicis noqosho. 2. Wax fashilmid.
fajeciso [m.dh]
ld fajiciso.
fajiciso [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
F. ah: dhacdo amankaag iyo argagax leh. ld fajeciso, fejeciso.
fejiciso [m.dh]
ld fajiciso.
ci [m.dh]
Cod dheer oo ay nafleyda qaar sida shimbiraha, bahallada iwm sameeyaan.
ci [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
1. (f.g/mg) Soo c./u soo c./u c.: xoolo, shimbir iwm cod dheer ku dhawaaaqid. 2. Cid u yeerid.