cune
(m.l) (-nayaal, m.dh)1. Dhuunta cunnadu marto oo isku xirta afka iyo caloosha xaggeeda sare. 2. Wax cuna; cunaa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cune ↴
xabag [m.dh]
1. (-bko, m.l) Dhacaan geedaha qaarkood ka yimaada ama laga liso oo kolkii uu neecaawda dareemo isqabsada oo adkaada. 2. Hunguriga cad meesha curtu ku taal; cune; dig.
booc [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Hunguri. 2. Cune. 3. In yar oo tubaako shiidan ah.
boolicune [m.l]
ld boolicun.
daaqcune [m.l]
(c.nafl.) Xayawaanka cuna daaqa gaar ahaan naasley kasta oo dhirta cunta, sida qoobleyda lo'da, dameeraha iwm. Daaqcunayaasha waxa astaan u ah ilka qabatimay ridqidda caleemaha. ld daaqe.
garcuneed [m.l]
Gar ka baxay cunaha hoostiis.
giddicune [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
Noole cuna hilib iyo miro iw.
hilibcune [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
(c.nafl.) Xayawaan quuta cunto ka timid xayawaan. Hilib cunayaashul waxay leeyihiin ilko fiiqfiiqan oo si fiican u jar jari kara hilibka. Tusaale: libaaxa.
merji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley cuneheeda xoog uga qabasho si neefta ugu ceshanto. ld margi, marji, mergi², mirgi, mirji.
wax-walba-cune [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
Xayawaanka quuta cunto xayawaan iyo dhirba leh (dadka).