daabac
(m.l)1. Duub dun ah oo maryaha lagu xardho. 2. Dhar dun lagu xardhay. 3. (-cyo,m.dh) Meesha ay iska galaan daabka iyo birta toorreyda. 4. ld daabicid. daabicid
daabac
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-cay, -cday; -bici)1. Xarar ku qurxin dhar iyadoo la adeegsanayo dun midabyo leh ama rinjii. 2. Qoraallo madbacadayn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daabac ↴
daabacaad [m.dh]
daabacaad m.dh 1. Gelinta qoraal madbacad la geliyo.
2. Qoraal inta hal mar la daabaco. ld daabicid. daabicid
daabacan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-cnaa, -cnayd)
1. Maro, wax dabac lagu qurxiyay ahaansho. 2. Qoraal, wax la madbacadeeyay ahaansho.
daabacnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg daabacan. ld daabacnaansho. daabacnaansho
daabacnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld daabacnaan. daabacnaan
daabece [m.l] (-cayaal, m.l/dh)
1. Qof qoraallo madbaceeya. 2. Qof dharka daabaca.
daabicid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg daabac². ld daabac¹ (4), daabacaad. daabac, daabacaad
dabcad [m.dh] (-do, m.l)
Caddad; wax la daabacay.
jus [m.l] (-sas, m.l)
1. Soddonka qaybood oo kitaabka Quraanku u qaybsamo midkood. 2. Kitaab weyn oo dhawr qaybood loo kala daabacay midkood.
daab [m.l] (-bab, m.l)
Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda
iwm loo adeegsado.
daab [m.dh]
1. Cudur leh shuban oo ku dhaca
dhasha xoolaha markay dambar badan
nuugaan. 2. ld doog².
daab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid.