daaqcune
(m.l)(c.nafl.) Xayawaanka cuna daaqa gaar ahaan naasley kasta oo dhirta cunta, sida qoobleyda lo'da, dameeraha iwm. Daaqcunayaasha waxa astaan u ah ilka qabatimay ridqidda caleemaha. ld daaqe.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daaqcune ↴
daaqe [m.l]
ld daaqcune.
qoobley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Naasley qoobab leh oo had iyo jeer qabitimay orodka dhulka bannaanada ah. Waa daaqcune u nool kooxo.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg