Site icon Qaamuus

jawaabta

daaran
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rmay, -rantay; -rmi)

1. Wax la shiday noqosho (dab); wax la ifay noqosho (nal, feynuus iwm). 2. Wax hadlay ama muuqday noqosho (raadiyo, telefishan iwm).

daaran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)

1. Wax la shiday ahaansho (dab); wax la ifay ahaansho (nal, feynuus iwm). 2. Wax hadlay ama muuqday ahaansho (raadiyo, telefishan iwm).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daaran

daarmid [m.f.dh]
eeg daaran¹.

daarnaan [m.f.dh]
eeg daaran². ld daarnaansho.

daarnow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-naaday, -naatay)
Wax daaran noqosho.

dardaaran [m.l] (-nno, m.dh)
1. Ballan uu dhaafo qof oo ku saabsan sida hantidiisa laga yeelayo dhimashadiisa kaddib. 2. Ballan uu dhaafo qof tegayo oo ku saabsan sida laga yeelayo reerkiisa inta uu maqanyahay.

dardaaran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
1. Qof dhimashadiisa kaddib sida hantidiisa la yeelayo ka ballamid. 2. Qof tegaya sida reerkiisa laga yeelayo ka ballamid.

liqdaaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax meel taagan oo aan dhaqdhaqaaqayn ahaansho.

suuldaaran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
Hal suuldaar lagu sameeyey ahaansho.

daar [m.dh] (-ro, m.l)
Guri, shub, dhagax, jaajuur iwm ka samaysan; sar.

daar [m.l]
1. Xabad. 2. (-rar, m.l) Daloolka yar ee haruubka dhiisha ama haanta. 3. (-rar, m.l) Cuf yar oo la geliyo daloolka haruubka dhiisha ama haanta. 4. Hilib jiir ah oo sararta inteeda dambe ee araxda xigta saaran.

daar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax shidid (dab); wax ifid (nal, feynuus iwm). 2. Taabasho; maagid; daandaansi. 3. Qof dilid; qof rayd.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version