Site icon Qaamuus

jawaabta

dabaggal
(m.l)

1. Baaris qoto dheer oo lagu sameeyo wax qarsoon oo la doonayo in la hubsado. 2. ld dabaggelid. Cidaan qaabilsan baaridda arrin la tuhunsanyahay in ay dhacday ama dhici doonta. 3. Ciidanka nabadsugidda qayb ka mid ah oo qabilsan la socoshada arrimaha dibloomaaysiyiinta.

dabaggal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-galay, -ashay; -geli)

1. Cid, cid kaloo ka horreeysa gadashooda istaagid ama socosho. 2. Wax qarsoon, baaritaan qotodheer leh ku samayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dabaggal

raadqaad [m.l]
1. Wax la raadinayo oo raadkooda la dabaggalo. 2. Sixir.

dabaggelid [m.f.dh]
eeg dabaggal². ld dabaggal¹ (2).

dabajoog [m.l]
1. Dabasocod; dabaggal. 2. ld dabajoogid.

isdabaggal [m.l]
Socod nafley badan ay socoto oo midka mid ka dambeeyo.

isdabaggal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay)
Nafley badan oo socota midba mid ka dambeysa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version