dadab
(m.l) (-byo, m.dh)1. ld dedeb. Si wax loo dhigo oo in yar ka leexsan jahadiisii hore, gudub. babac. 2. Si goynaysa jahada toosan ee ay wax u yaallaan. 3. D. ah: ilmo aan weli la gardaadin. 4. ld dadbid.
dadab
(m.dh) (-bo, m.l)1. Ardaa quruxsan oo ay cid u dhisto nin gabar ka doonaya. 2. Rarada la saaro aqalka miyiga.
dadab
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-dbay, -dabtay; -dbi)Wax si goyneysa jahada toosan ee uu u yaal u dhigid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dadab ↴
qaamowqanshiir [m.l]
(daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo ku dhaca caruurta da'dodu u dhaxyso shan (5) ilaa shan iyo toban (15). Bararka qanjirka calyada oo ku yaal daanka hoose dadabiisa ee labada dhinacba, waxa ka horreeya: qandho, madax-xanuun iyo matag bararka labada qanjir way kala hormaraan mararka qaarkoodina mid keliya ayuu cudurku ku dhacaa.
alool [m.l] (-llo, m.dh)
Nooc dadabta aqalka ka mid ah oo laga sameeyo ulaha geed-duurka oo lagu seexdo ama guryaha lagu ilxiro.
babac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-bcay, -bacday; -bci)
1. (f.g) Wax si dadab ah u dhigid. 2. (f.mg) Ka b.: wax jaho uu ku toosnaa ka weecin.
dadabdhig [m.l]
ld dadabgal¹.
dadabdhig [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
ld dadabgal².
dadabdhigid [m.dh]
ld dadabgelid.
dadabgal [m.l] (-llo, m.l)
1. ld dadabdhig 1. Doonidda gabar reerkooda laga doono iyadoo si xushmad leh loo weyddiisanayo. 2. ld dadabgelid.
dad [m.l] (-dyow, m.l)
Naaley waxa Eebbe abuuray ugu sarreysa, dhogor lahayn oo garaadkeeda hadal ku cabbiri karta.
dad [m.l]
ld ded¹ (1).
dad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
ld ded².