dafo
(m.dh) (-ooyin, m.l)Nooc haadda hilib cunka ka mid ah, dheereysa oo si dhaqso leh bahallada yaryar ama hilibka u dhufsata; so'laduul; huunfey. ld dafto, dhifato, dhufato.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dafo ↴
oodafo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Ood weyn oo xerada xoolaha afka laga saaro. 2. Aflagaaddo.
dafto [m.dh]
ld dafo.
dhifato [m.dh]
ld dafo.
dhufato [m.dh]
ld dafo.
dhuuryo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Shimbir hilibka cunta; dafo; soladduul.
faraggoys [m.dh] (-syo, m.l)
Nooc shimbiraha hilibcunka ka mid ah; dafo.
huf [m.dh] (-fo, m.l)
Shimbir hilibka cunta; dafo.
hunfey [m.dh] (-yo, m.l)
Nooc shimbiraha ka mid ah oo hilibka iwm dafta; dafo.
xunguruf [m.dh]
1. Bahal ka mid ah bahalaha sheekooyinka lagu tebiyo hase yeeshee ayan cidi weli arag oo leh ciddiyo dhaadheer oo ay wejiga kaga xagato dadka. 2. Dafo. 3. Cadaa-wadnimo yar oo dad ka dhexeysa.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg