Site icon Qaamuus

jawaabta

dagan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gmay, -gantay; -gmi)

1. Wax aan foojignayn noqosho (nafley). 2. Wax dayacan noqosho (alaab, xoolo iwm).

dagan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-gnaa, -gnayd)

1. Wax aan foojignayn ahaansho (nafley). 2. Wax dayacan ahaansho (alaab, xoolo iwm).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dagan

daganduug [m.l]
ld daganduugid.

daganduug [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax qarin. 2. Wax baabi'in.

daganduugid [m.f.dh]
eeg daganduug². ld daganduug¹.

dagmid [m.f.dh]
eeg dagan¹.

dagnaan [m.f.dh]
eeg dagan². ld dagnaansho.

ilbaadso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Qof ama wax kale dusha ka ilaalsasho si isagoo dagan loo helo.

ilhel [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-elay, -eshay)
Ka i.: wax la gaadayo fursad isagoo dagan u helid.

dag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Cid dhibaato aysan filayn gaarsiin ama ka dhaadhicin wax aan jirin; dhagrid; khatalid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version