dal
(m.l) (-lal, m.l)Dhul soohdin loo yaqaan leh oo la degganyahay; waddan.
dal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-alay, -ashay)Harag rogob ka gurid.
Hadal badan bar waa been*
Hadal badan bar waa been
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Hadal badan bar waa been*
Hadal badan bar waa been
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Hadal badan bar waa been*
Hadal badan bar waa been
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dal ↴
aaddi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid meel ku toosin; ld aadi, aadsii. 2. Ku aa.: wax dalool ciriiri ah oo uu geli karo ku beegid. 3. Ku aa.: wax
muuqaalkooda wax kale ku gudbid. 4. Isku
aa.: wax aan nidaamsanayn sida ay isu raaci karaan u nadaamid. aadi, aadsii
ib [m.dh] (-bo, m.l)
1. Dalool yar oo naasaha
caaraddooda ku yaal oo ay caanuhu ka soo
baxaan. 2. Dalool ku yaal xubinta taranka
laboodka oo ay kaadidu ka soo baxdo.
3. Dhuun yar oo xanjo ka samaysan oo
dhurduhu u maro surta.
daabdulle [m.l]
Bir dhuuban oo koorta ilaheeda lagu dalooliyo.
gaadala-aqoon [m.dh]
ld gadaala-aqoon. gadaala-aqoon
haajir [m.l]
1. Qof dal durugsan aadaya. 2. ld haajirid. ld haayir¹ (3). haajirid, haayir
jaan [m.l]
1. Caano geel oo aad u dhanaan. 2. Biyo kharaar oo dhano ah. 3. Ciid dhanaan; carro seel. 4. Caws aan loo baahnayn oo dalagga la soo baxa.
jabbu [m.l]
(muus.) Durbaan laba af ka daloola oo harag xallafsan ku rogan.
kaadidhiig [m.l]
(daaw.) Cudur dalalka cimilada kulul laga helo oo uu keeno deris-ku-noolka “bilharzia”. Ukumaha deris ku noolka oo soo raaca saxarada ama kaadida qofka qaba cudurka, waxay ku koraan bocoolaha ku jira biyaha macaan kuwaaso u sii daaya biyaha deris-ku-nool yaryar ah oo ka galaya jirka qofka ku mayranaya biyahaas. Astaamaha: kaadida oo dhiig soo raaca.
Dunugle []
eeg qaxooti; dalow. qaxooti, dalow
nabadsugid [m.dh]
Ciidan ka tirsan ciidammada qalabka sida oo u xilasaaran la socoshada deggenaanta iyo nabadgelyada dalka.
d [m.dh]
(da') Xarafka afaraad ee xurufta
soomaaliga, ahna shibbane. ld deel (2).