Site icon Qaamuus

jawaabta

daldal
(m.l)

ld daldalid.

daldal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-alay, -ashay)

1. Alaab iwm meel ka gurid iyadoo hadba in la qaadayo. 2. Wax si xad-dhaaf ah u cunid ama cabbid.

daldal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-alay, -ashay)

Xarig siriq leh oo meel sare ka soo laalaada qof ku merjin. ld deldel².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daldal

qaaddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Fandhaal macdan ka samaysan; malgacad. 2. Bir yar oo wareegsan ama afar gees ah oo badanaa dhexda carrab yar oo af dhuuban ku leh oo suumanka iwm inta madaxa lagaga xiro, dacalka kale daldaloolladiisa la suro oo lagu qabto. 3. eeg qaa'id.

daldalaad [m.dh]
ld daldalid.

daldalan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax la deldelay ahaansho. ld deldelan.

daldalan [m.l]
Hadal badan oo aan nuxur lahayn.

daldalan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay; -lmi)
D./iskad.: hadal badan oo aan macno lahayn ku hadlid.

daldalasho [m.f.dh]
eeg daldalo.

daldalid [m.f.dh]
eeg daldal². ld daldal¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version