Site icon Qaamuus

jawaabta

dambas
(m.l)

1. Budo midab ciira boos ah leh oo ka harta dhuxul bastay. 2. D. ah: Midab ciira boos ah. ld bambas.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dambas

bacayr [m.dh] (-ro, m.l)
Jaad ugaarta ka mid ah sagaarada ka weyn deeradana ka yar, midab dambas ah iyo dhego balballaaran leh, kuna nool meelaha biyaha badan; dhusaas.

bambas [m.l] (-syo, m.dh)
ld dambas.

bambasayn [m.dh]
ld dambasayn.

bambasee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-seeyay, -seysay)
ld dambasee.

bambasoobid [m.dh]
ld dambasoobid.

bambasow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ooway, -oowday)
ld dambasow.

bas [m.l]
1. Geeri caadi ah ee ku timaaddo qof tiisii gashay. 2. (-sas m.l) Baabbuur weyn oo dedan oo daaqada muraayado ah iyo kuraas leh oo rakaabka qaado. 3. Wax gubasho ku dhammaaday oo dambas noqday.

bas [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
1. Wax shidan dambas noqosho. 2. Ood iwm duugnimo awgeed la baabi'id.

boor [m.l]
1. Ciid budo ah oo dabayshu si sahlan u qaaddo; siigo; bus. 2. B. ah: midab dambaska u eg oo ay lo'da iyo dameerahu yeeshaan.

boore [m.l]
B. ah: midab u eg kan dambaska.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version