dambeed
(m.l) (-ddo/-dyo, m.dh)(xis.)Ururka xubnaha dambe ee lammaaneyaal horsan ee xiriir. Guud ahaan waa ururka leh tirsaneyaal ee la dhigo dhidibka taagan (dhidibtay) ee garaaf.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dambeed ↴
saandambeedi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Dib u harid.
saandambeedin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saandambeedi.
caaqibo [m.dh]
1. Cirib dambeedka qof leeyahey, aayatiin. 2. Waxtar iyo wanaag.
ciribdambeed [m.l]
Waxa nasiib u noqda ee qof noloshiisa ku dambeyso.
fandambeed [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-dyo, m.dh)
Dusha xoolaha la rarto dhankeeda dambe.
gelin-dambeed [m.dh]
1.Lixda saacadood oo maalinta ugu dambeysa. 2.Afarta saacadood oo habeenka ugu dambeeya. ld gelin-damb.
gowsdambeed [m.l] (-dyo, m.dh)
Gowsaha gowska ugu dambeeya.
jirrid-maskaxeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(daaw.) Qaybta maskaxda ee ka kooban maskax dambeed, maskax dhexaad iyo boonas. Waxay u egtahay kuna xidhiidhsantahay xangullaha. Maskax dhexaadku waxay xukuntaa isuna keenta falnaqyada, sida neefsashada kuwaas oo ka yimaada xarumaha sare ee maskaxda iyaga oo sii mara marinno dareenwade oo wada shaqeeya.
kaldambeed [m.l] (-dyo, m.dh)
Inta ugu dambeysa xilliga jiilaalka.