dar
(m.l) (-rar, m.l)1. Weel ka sameysan bir, qori, harag oo xoolaha biyo loogu shubo. 2. Dhisme dhagax iyo shamiinto ka samaysan oo xoolaha biyo loogu shubo. 3. In xoolo ah oo isku mar ka wada cabta. 4. D. ah: dadkii hore.
dar
(m.dh.fk)1. D.tay, d.taa iwm: awgay, awgaa iwm. 2. D. Alle: Alle dartiis, si niyadsam ah. ld daraad.
dar
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-ray, -rtay)1. (f.g) Badar, biyo, caano iwm oo meel ku jira weel in yar uga qaadid. 2. (f.g) Middi, waran iwm wax ku mudid. 3. (f.mg) Ka d.: xaal wax ku sugnaayeen si ka xun noqosho. 4. (f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku kordhin. 5. (f.mg) Ku d.: nin iyo naag isu guurin.
liin-beydarin*
Liin Beydariin (Af Ingiriis : Citrus unshiu, sidoo kale: Naartjie) waa nooc ka mid ah liinta taasi oon lahayn wax siidh ah ama lafo ah. Liin beydariintu waxay kaga duwan tahay liin macaanta way ka yar tahay mar ahaan, sidoo kale qolofta ama dahaarka sare ee liin beydariintu waa mid si fudud looga qaadi karo marka la rabo in la cuno, sidoo kale waxay leedahay dhanaan ka badan liin macaanta, taasi ka yar liin dhanaanta.
Si la mid ah liin macaanta ayaa liin beydariintu waxay leedahay midab oranji mararka qaar casaan xiga mararka qaarna aad huruud u ah. Sidoo kale liin beydariintu waxay leedahay hilib aad u dhadhan macaan oo jilicsan. Marka bahda liinta laga hadlayo waxaa aad iskugu dhow liin macaanta iyo liin beydariinta sababtoo ah waxay leeyihiin midab aad iskugu eg, dhadhan aan kala fogayn iyo bixitaanka geedaha oo aad iskugu qaab dhow.
Si kastaba ha ahaatee, geedka liin beydariintu wuxuu ka soo jeedaa wadanka Shiinaha asal ahaan, halkaasi oo lagu beeran jiray mudo dhowr kun oo sano ah. Liin beydariintu waxay dunida inteeda kale soo gaadhay qarnigii 18aad wixii ka dambeeyay, goortaasi oo gumeystihii reer Yurub ee qabsaday wadanada koonfurbari Aasiya soo gaadhsiiyay Afrika, Yurub iyo labada Ameeriko.
In kastoo maanta laga beero wadamo badan oo caalamka ah, wadanka Shiinaha ayaa lambar kow ah soo saarida iyo dhoofinta liin beydariinta caalamka.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
wadar*
Wa wax badan
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dar ↴
aad [m.dh.fk] (-dyo, m.l)
1. Isku beegnaanta laba meelood ama shay. 2. Badan, si daran.
3. A. yar: ld aayar. aayar
aadaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay)
1. Cod dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada salaadda.
2. Kor u qaylin neef riyo ah xanuun dartiis. ld aaddan², eedaan². aaddan, eedaan
u [(nax.)]
u²: Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira jiho la aado. Tus. “Halkaa u orod!”; b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tus. “Cali baan u tagay”; c)qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax loo sameeyo. Tus. “Naagta aqal u dhis!”; d)qurub la xiriira habka ama sababta wax loo sameeyo. Tus. “Si wanaagsan u samee!”,“Maxaad u soo iibsatay?”; e) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.
da'aa [m.l (c.cimi.)]
Sida cilmiga cimiladu uu sheegayo, waa biyaha qaabkoodu dareere ama adagyahay, oo dhulka uga yimaada xagga gibilka.
qaab [m.l] (-bab, m.l)
1. Hannaanka wax leeyahay. 2. Hab. 3. Caano garoor ah.
4. Caano yar oo garoor ah oo caanaha
dhayda ah lagu daro si ay durba garoor u noqdaan; salsal; khamiir. hab
saabbuuncadar [m.dh]
Saabbuun udgoon oo lagu mayrto.
caabuq [m.l]
1. Hurgumidda meel dhaawac ah;
fasas. 2. C. ah: nafley xoog lahayd oo jirro, nafaqo darro awgeed la tabar darreysay. ld caabaq¹. caabaq, fasas
caabuq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
1. Meel dhaawac ah hurgumid. 2. Nafley tabar darreyn jirro, nafaqo darro iwm awgeed.
aaladee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
1. Wax qalabeyn. 2. Wax qurxin. 3. Ciidan hubayn.
4. Cunto si ay caraf iyo dhadhan u yeelato geedo ku darid.
gaaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof dagaal ku jira ul iwm u taagid. 2. Dareera xoog meel ugu shubid.
d [m.dh]
(da') Xarafka afaraad ee xurufta
soomaaliga, ahna shibbane. ld deel (2).