Site icon Qaamuus

jawaabta

darid
(m.f.dh)

eeg dar³. ld daris.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh darid

aaladee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
1. Wax qalabeyn. 2. Wax qurxin. 3. Ciidan hubayn. 4. Cunto si ay caraf iyo dhadhan u yeelato geedo ku darid.

qaabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax qaab u yeelid. 2. Caano qaab ku darid. ld qaab², qaaban¹ (1). qaab, qaaban

raaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax socda wax kale ku darid. 2. Xoolo cid ilaalisa u yeelid. 3. Habaar ama duco cid ku larid. ld raacsii. raacsii

waddarid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waddar². ld waddar¹, wedder¹, wedderid.

ayin [m.l]
Ku daridda badar karsamayo budada lagu daro. ld ayimid.

ayin [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-yimay, -yintay)
Badar karsamaya budo ku darid.

badi [f.g/mg1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
1. (f.g) Wax in go'an ahaa, in kale oo la nooc ah ku darid. 2. (f.mg) Ka b.: cid tartan kaga adkaan. 3. Ka b.: wax, cid uga aqoon badnaan; ka rayn. 4. Ka b.: wax intii loo baahnaa in ka badan ku darid. Tus. “Shaahii sonkor buu ka badiyey”.

barari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Barar u yeelid (meel jirka ka mid ah). 2. Caano dhay ah, kuwa fadhi ah ku darid.

barax [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-rxay, -raxday; -rxi)
1. Caano biyo ka yar ku darid. 2. Xoolo, bardooddan samayn.

biyabbiyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yaysay)
Cunto cabbid iwm biyo ka badan ku darid.

dar [m.l] (-rar, m.l)
1. Weel ka sameysan bir, qori, harag oo xoolaha biyo loogu shubo. 2. Dhisme dhagax iyo shamiinto ka samaysan oo xoolaha biyo loogu shubo. 3. In xoolo ah oo isku mar ka wada cabta. 4. D. ah: dadkii hore.

dar [m.dh.fk]
1. D.tay, d.taa iwm: awgay, awgaa iwm. 2. D. Alle: Alle dartiis, si niyadsam ah. ld daraad.

dar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Badar, biyo, caano iwm oo meel ku jira weel in yar uga qaadid. 2. (f.g) Middi, waran iwm wax ku mudid. 3. (f.mg) Ka d.: xaal wax ku sugnaayeen si ka xun noqosho. 4. (f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku kordhin. 5. (f.mg) Ku d.: nin iyo naag isu guurin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version