Site icon Qaamuus

jawaabta

Daryeel
(m.l)

Waxtar; kaalmo; taageero; gargaar. 2. ld daryaalid. waxtar, kaalmo, taageero, gargaar

daryeel
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-eelay, -eeshay)

Wax xannaanayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daryeel

raaco [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-cday, -catay)
1. Qof hantidiisa ama dantiisa daryeelasho. 2. Qof cilmi diineed barasho.

xaasi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley tabardaran daryeelid.

baali [m.dh] (-iyo, m.l)
Qof dumar ah oo aan daryeelin nadaafadda nafteeda, hugeeda, aqalkeeda iwm; areebo.

bil [m.dh] (-lo, m.l)
1. Laba iyo tobanka qaybood ee sanadka middood oo ah sagaal iyo labaatan ama soddon beri. 2. Marka dayaxu aanu dhammays ahayn. 3. Calaamad qaab dayax billow ah u eg oo xoolaha lagu sunto. 4. Bisha cas: urur caalami ah, oo dalal islaanku maalgeliyaan oo u qeybsan daryeelka ama samafalka dadka oo ay astaan u tahay dayax billaw ah oo cas.

daaweynta-fiisikaad [m.dh]
(daaw.) Qayb daaweyn oo lagu isticmaalo habab iyo qalab fiisikaad si loo daryeelo caafimaadka; waxaana la isticmaala: nal, fallaaraha ultrafayolet iyo infrareed, kul, koronto, riix-riixid, tuujin iyo ciyaaro waxtar ah.

Daryeel [m.l]
Waxtar; kaalmo; taageero; gargaar. 2. ld daryaalid. waxtar, kaalmo, taageero, gargaar

daryeelid [m.f.dh]
eeg daryeel². ld daryeel¹ (2).

dhaqaalee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
1. Hanti tashiilid. 2. Wax daryeelid.

dhaqaaleyso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Wax tashiilasho. 2. Wax daryeelasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version