Site icon Qaamuus

jawaabta

dawaar
(m.l) (-rro, m.dh)

1. Wax wareega sida garangarta. 2. Makiinad dharka lagu tolo. 3. Duraanka dharka lagu tolo ama lagu fasilo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dawaar

abitey [m.dh] (-eeyo, m.dh)
Warqad qaab shimbireed leh oo inta dun dheer lagu xiro caruurtu hawada ku laliyaan; dawaarad.

dawaarad [m.dh] (-do, m.l)
Abitey.

dawaarle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Ninka dharka tola ama fasila. ld dawaarwale.

dawaaro [m.dh]
Lo'yaryar, gaagaaban oo aan caano badnayn.

dawaarwale [m.l]
ld dawaarle.

gadawaar [m.l]
Cirku marka uu qaawan yahay oo uusan daruur lahayn.

gadawaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Daruur beelid (cir).

gadawaarid [m.f.dh]
eeg gadawaar².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version