dawo
(m.dh)ld daawo1. ld dawaco.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dawo ↴
qaado [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-aatay, -aadatay)
1. Wax meel yiil meel kale geysasho. 2. Wax milkintooda la wareegid. 3. Talo, fikrad, dawo iwm ku dhaqmid. 4. U q.: wax si gaar ah u aqoonsasho, u malayn. 5. Naag guursasho. 6. U q.: wax,wax kale ku gudasho.
asbiriin [m.l]
(daaw.) Dawo aad loo isticmaalo oo xanuunka, halaamacoodka iyo qandhada bi'isa.
baarbitureyt [m.l] (-tyo, m.dh)
(daaw.) Mid kastoo ka mid ah koox dawooyin ah oo laga sameeyey barbituurig aasidh taaso hoos u dhigta shaqada maskaxda.
balqan-keene [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
(daaw.) Dawo badinaysa sii deynta calyada ee neefmareennada taaso sahleysa qufaca. Waxaana lagu daraa dawooyinka qufaca; waxayna ka falgashaa kordhinta sii deynta dhuumaha neefta, wayna jilcisaa xaakada.
calool-jilciye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(daaw.) Dawo badisa caloolbaxa, ayadoo jilcinaysa saxarada ama dhaqaajineysa xiidmaha.
carranafaqeeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Digo, dawo iwm oo dhulka lagu bacrimiyo.
cirbad-durid [m.dh]
(daaw.) Dawo ku mudid jirka ayadoo la isticmaalayo irbad iyo siriingi, sida badan dawada looga baqayo in ay jajabiso aasidhka caloosha.
cusballab [m.dh]
Nooc cusbada ka mid ah oo dawo ahaan carruurta yaryar dabada looga xoqo.
daawo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Maaddo cudurrada, nabarrada, dhaawaca iwm lagula tacaalo. 2. Heshiis iskaashi oo cid ka dhexeeya. 3. Maaro; xal. ld dawo.
daawoobid [m.f.dh]
eeg daawow. ld dawoobid.