dayr
(m.dh)Afarta xilli ee sannadka u qaybsamo middood, roob leh una dhexeeya diraacda iyo xagaaga.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dayr ↴
faakharad [m.dh]
Dabayl ka dhacda xeebaha badweynta Hindiya xilliga dayrta.
xagaa [m.l] (-aayo, m.dh)
1. Afarta nur oo sanada midkood; wuxuu u dhexeeyaa guga iyo dayrta; xilliga xagaayadu da'do. ld xa-gaay.
xagaa [m.l] (-aayo, m.dh)
(c.fal.) Loolka dhexe, waa xilliga ku xiga guga, xiddigis ahaanna waxa loo tixgeliyaa inuu ku beegan yahay kubbad badhka min hornaqa xagaaga (21 juun) ilaa caano maallada isle eg ee dayrta (21 sebtember).
yamxeeri [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Qof xaaladdiisa dhaqaale oo wanaagsan ka been sheegid; wax badan ka dayrin.
amminla' [m.dh]
1. Xilliga xagaaga dabadiisa. 2. Roobka ugu horreeya dayrta.
axal [m.l]
Xilliyada dayrta mid ka ah oo u dhexeysa ximirka iyo xayska.
baldaaq [m.l]
Xilliga beeraha laga goosto miraha oo ku beegan dhammaadka guga ama dayrta, oo xoolaha lagu daayo balka.
beer-abuur [m.l] (-rro, m.dh)
Bilowga xiliiyada guga iyo dayrta oo beeraha abuurka lagu ridayo. ld beerabuurid, beerabuuris.
celcelis [m.l] (-syo, m.dh)
1. Xilliga dabayluhu is beddelaan gu'ga iyo dayrta oo aysan dhan u badan. 2. Isku darka labada lambar ama ka badan oo loo qaybiyo mid ka mid ah, tirada ka soo baxda.
daalalli [m.dh]
1. Waaxda saddexaad ee degmooyinka xiddigaha, xilliga dayrta. 2. Roobka xilliga dayrta da'a. 3. Raar meydka looga sameeyo geedaha korkooda.