dayri
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-iyay, -isay)1. (f.g) Aabbe, ilmo uu ka quustay guriga ka cayrin. 2. (f.g) Nin, xaaskiisa, caruurtiisa iwm dhaqaale darrayn. 3. (f.mg) U d.: cid wax ay doonaysay, iyadoo marmarsiinyo been ah loo sheegayo in aan wax loo heli karayn u sheegid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dayri ↴
yamxeeri [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Qof xaaladdiisa dhaqaale oo wanaagsan ka been sheegid; wax badan ka dayrin.
dayrin [m.f.dh]
eeg dayri. ld dayris, dayro (2).
dayris [m.l]
ld dayrin.
dayro [m.dh]
1. D. ah.: ilmo waalidkiis ka quustay oo guriga laga eryey. 2. ld dayrin.
dayrsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax la dayriyay ahaansho (ilmo).
farakalabbixid [m.dh]
Faro ka qaadidda cid faraha laga qado; dayrin. ld farakalabbax (2).
day [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (dayay/deyay, dayday)
1. Indho, wax dhankooda u jeedin. 2. Isku d.: wax isku tijaabin.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg