ded
(m.l)1. ld dad 1. Shey dusha laga saaro ama lagu daboolo wax feydan. 2. ld dedid.
ded
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-day, -dday)Wax feydan, shey dusha ka saarid ama ku daboolid. ld dad².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ded ↴
waab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Geed, dhisme aan hoos fiican lahayn wax korka kaga dedid.
okori [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley meel dedan roob ka gelin.
okoro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Meel dedan roob ka gelid.
qaawi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof dhar ka furid. 2. Dhismo, dedka kore ka qaadid.
qab [m.l]
1. Qiimaha iyo sharafta qof waliba moodo inuu leeyahay; han. 2. Xero yar oo waxaraha iyo naylaha lagu xereeyo oo kor ka dedan; edeg.
raar [m.l] (-rar, m.l)
1. Gogol caws ka samaysan oo dun lagu xardhay. 2. Dhismo kor u dheer oo dusha sare lagaga deday qoryo, caws iwm oo laga fuulo, bahalaha, qaniinka, kaneecada iwm. 3. Qoryo, dhagxaan iwm oo la is dul saaray oo sallaan ahaan loo adeegsado. 4. Qoryo ceelka afkiisa lagu dadbo.
uugaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
1. Daruuro cukan cir ku dedmid. 2. Yabqid; buuqid.
asheer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rtay, -ratay)
Ka a.: roob da'aya meel dedan oo aan darooreyn ka gelid. ld asheero.
asheeri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Roob da'aya, wax, meel dedan oo aan darooreyn ka gelin.
baraako [m.dh] (-ooyin, m.l)
Guri ka sameysan alwaax dushana jiingad kaga dedan tahay. ld baraakad.
d [m.dh]
(da') Xarafka afaraad ee xurufta
soomaaliga, ahna shibbane. ld deel (2).