deegaan
(m.l) (-nno, m.dh)1. Geed weyn canjeelka u eg, sida badan webiga jiinkiisa ka baxa oo leh miro la cuno. 2. ld degaan.
deegaan
(m.dh)Doog meel roob badan ku da'ay ka baxa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh deegaan ↴
oomane [m.l] (-ayaal, m.l/dh)
(c.cimi.) Roob yari: badanaa waxaa lagu isticmaalaa cimilo ama gobol uu roobku ku yaryahay oo uu deegaanta si liidata ugu filanyahay. Mararka qaarkood waxaa lagu isticmaalaa meelaha celceliska roobku ka yaryahay 250 mm (10 hiisk).
oomane-u-eke [m.l] (-yaal, m.l/dh)
(juqr.) Ereyo loo istiicmalo cimilada iyo deegaanta siday u kala horeeyaan gobollada cidhifyada lamadegaannada halkaasoo roob sannadeedku in yar badanyahay deegaantuna xoogaa ka filiqsantahay meelaha ku xiga, sida lamadegaanka kulul iyo safaanaha dhexdooda.
canjeel [m.l] (-canjeel, m.dh)
Geed weyn, miro la cuno leh, koox koox u baxa oo u eg deegaanka.
deegaanraac [m.l]
Naqraac.
degaan [m.l] (-nno, m.dh)
Meel la deggan yahay. ld deegaan¹ (2).
degaan habboon [m.l]
(baay.) Kaalinta uu noole ka qaato deegaankiisa. D.ka h. ee noole waxa lagu qeexi karaa cuntooyinka kala duwan ee uu quuto, kuwa isaga ugaadhsada, sida uu heerkulka ugu adkaysto iwm.
dhasheeg [m.l] (-gyo, m.dh)
(juqr.) Dhulhoosaad fidsan oo had iyo goor wabax ah (ama aha sida biyo fadhiisiga, mar mar sidaa ah), waxana badanaa aad uga baxa deegaan, wuxuu marka u dhexeeyaa deegaan-biyood iyo biyo-fadhiisi.
guurto [m.dh]
1. Hantida qaybaheeda la rari karo, sida xoolaha nool. 2. G. ah: reer miyi xoolo dhaqato ah oo hadba meeshii deegaan leh u guura.