deeqid
(m.f.dh)eeg deeq².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh deeqid ↴
tabarruc [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Ku t: cid wax ku deeqid.
diiq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
1. Wax sii yaraansho, sii liciifid. 2. U d.: cid dhibaataysan wax ugu deeqid.
gacanqaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Cid gacan ku salaamid. 2. (f.g) Qof xaal siin. 3. (f.mg) Dagaal bilaabid. 4. (f.mg) U g.: cid wax ugu deeqid.
kafee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -feysay)
Wax deeqid, ama ka fillaansho.
mannee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-neeyay, -neysay)
Ku m.: Alle cid wax ugu deeqid. ld minnee.
manneyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Ku m.: Alle cid wax ugu deeqid. 2. Cid ku abaal sheegasho. ld minneyso.
deeq [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Hanti aan deyn ahayn oo cid u baahan la siiyo.
deeq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
1. Hanti aan deyn ahayn cid u baahan siin. 2. Wax, wax kale oo loogu talaggalay ku filnaansho.