deero
(m.dh) (-ooyin, m.l)Jaad ugaarta ka mid ah, cawsha ka yar, dib gaaban, dhinacyada laba diillimood oo madow ku leh oo raxan-raxan isu raacda.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh deero ↴
dhegcas [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dhasha yaryar oo nafleyda qaarkeed (lo', deero iwm).
gaban [m.l] (-nno, m.dh)
1. Inan yar. 2. Deero yar oo lab ah. 3. G. ah: wax tiro yar. ld gibin¹, gifin¹.
gaban [m.dh] (-bno, m.l)
1. Gabar yar. 2. Deero yar oo dheddig. ld gibin², gifin². gabar lg1 (-bray, -bartay; -bri) 1. (f.g) Cid wax khayaanid. 2. (f.lg) Wax badan meel isugu keenid.
goonnidaaq [m.l]
G. ah: biciid, deero, geri iwm. oo aan la daaqin raxan ee cidlajoog ah.
dee [Falkaab | Adverb]
Qurub lagu soo jiidanayo foojignaanta qofka lala hadlayo. Tus. “Ila hadal dee! Dee, maxaad u yeeshay?”.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg