Site icon Qaamuus

jawaabta

degdeg
(m.l)

1. Dhaqsiyaha wax lagu qabto. 2. D. ah: wax si kedis ah u yimaada. ld deddeg¹, deddegsiinyo, degdegsiinyo.

degdeg
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gay, -gtay)

Si dhaqsiya ah wax u qabasho. ld deddeg².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh degdeg

aal [m.dh.fk]
Aashay, -aa, -iis iwm: si aan degdeg iyo fudayd toona ku jirin; aayar, tartiib, qunyar. Tusaale. “Ciise aashiis buu hadlaa”. aayar, tartiib, qunyar

daabbul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
Dad, xoolo, alaab iwm oo badan si degdeg ah u daadgurayn.

daabul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ulay, -ushay)
Xoolo koox-koox u socda si degdeg ah u rarid.

daadguree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Wax badan meel si degdeg ah uga qaadid. 2. Wax iyadoo meel kale la geynayo halis ka badbaadin.

kaadsanla' [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-'aa, -'ayd)
Sugid la'aan, ku degdegid (wax).

kaadsiinyo [m.l]
Ku degdegid la'aan.

Markiiba []
Si degdeg ah. Tusaale: Cali markiiba wuu baxay Judhiiba, Cagidiiba

qaadqaad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Ku q.: cid nabarro si degdeg ah oo aan kala go' lahayn ugu dhufasho.

abraar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Meel ciriiri ah xoog ku dhexmarid. 2. (f.mg) Si degdegsiinyo leh hadba dhan ugu ordid.

alamso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Si degdeg ah wax u liqid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version