dego
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-gtay, -gatay)1. Shax, turub, iwm bad dhigasho. 2. Ku d.: cid marti u noqosho. ld deg² (3,9)
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dego ↴
aqal [m.l] (-llo, m.dh)
Dhis dadku dhexdiisa dego oo ku noolaado; guri; hooy; min.
cas [m.l]
1. Kaaha midabka huruudda u eg oo arooryada hore ka muuqda dhanka bari, inta ayan qorraxdu soo bixin. 2. Meel bannaan oo ciid jilicsan leh oo la dego. 3. Midab guduud xigeen ah. 4. Sayn yaroo meel ka hoora. 5. Meel bannaan.
cayololaad [m.l]
Geed yar oo laamo iyo caleemo biyo ka buuxaan leh oo xooluhu daaqaan, kana baxa birrimada la dego.
degasho [m.f.dh]
eeg dego. ld degad.
faddo [m.dh]
1. Meel dhulka kale in yar ka sarreysa, bannaan oo la dego waqtiga roobabawda. 2. Taag.
garangar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Bir wareegsan dhexda ka bannaan oo carruurtu ku ciyaarto. 2. Hab loo dego oo aqallada lagu wareejiyo xoolaha. ld garaangar, garaangir, giraan, giraangir, girangir.
geeddi [m.l]
1. Socod meel la degganaa lagaga guuro oo meel ka durugsan laga dego. 2. Dad iyo xoolo guuraya oo aan weli degin. 3. Fogaan gelin socod ah. 4. Xarig dhuuban oo hal mar raro la mariyo. 5. Duub xirig ah, dhuuban oo rarada lagu sameey.
ilduuf [m.l]
1. Hog aan loo baahnayn oo laga guuro ama laga qaado ama la dego (shax). 2. Jidkii loo baahnaa oo laga habaabo.
jaranjaro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Dhagxaan shamiintaysan, kala hooseeya oo aqallada lagu fuulo ama looga soo dego. 2. Laba tiir oo cagasaarro badani isu hayaan oo dhismayaasha lagu fuulo ama looga soo dego. ld jaranjar.