Site icon Qaamuus

jawaabta

delta
(m.dh)

(juqr.) Dhul webi afkiisa ah oo u eg marawaxad, oo uu webigu dhigay wixii adke ahaa ee uu sidey oo aanay wada qaadi karin mowjaduhu. D.ha webiga Nayl waxaa loo yaqaan bad ujeediye dhabar-galloocan; deltaha Misisibina lug-faro-shimbireed.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh delta

laagfaaf [m.l] (-fyo, m.dh)
(juqr.) Farac ka baxa oo ka taga webiga intiisa mudan oo aan mar dambe ku soo noqon oo biyaha uu sido ku dara badda ama haro. Waxaa lagu isticmaalaa keliyada badan ee webiga afkiisa ee loo yaqaan delta ama marawaxad suubaaneed.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version