Site icon Qaamuus

jawaabta

dembi
(m.l) (-iyo, m.dh)

1. Wax kasta oo la sameeyo oo diinta khilaafsan. 2. Wax kasta oo dhaqan ama qaanuun ku xadgudbaaya. ld dambi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dembi

eedaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax dembi loo haysto ahaansho; eed saarid.

eedaysane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
Qof dembi loo haysta laakiin weli aan caddeyn; tuhun dembi.

saamax [m.l]
Dhaafidda laga dhaafo dembi ama deyn cid qabtay. ld saamaxaad.

xabbis [m.l] (-syo, m.dh)
Dadka dembiga gala, meesha lagu xiro oo lagu hayo; xarig. ld xabsi.

xaladhaley [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
X. ah: qof dembi, eed iwm ka barii' ah. ld xalaydhaley.

asaabboon [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax aan dembi ama xumaan samayn ahaansho (qof).

boondhow [m.dh] (-wyo, m.dh)
Furdaaminta la furdaamiyo qof herinta ka mid ah oo dembi galay; carromaris.

cafis [m.l] (-syo, m.dh)
U dhaafidda dembi ama qaan cid gashay. ld cafi¹.

carrabmaris [m.l]
Su'aasha la weyddiiyo herinta inuu jiro cid dembi gashay, marka dhawr goor la soo hungoobo.

cisaaro [m.dh]
Cid dembi fashay ciqaabta la mariyo. ld casaaro.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version