dhaaddi
(m.dh)Dhedo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaaddi ↴
dhaaddin [m.dh] (-imo, m.l)
Summad geela lagu dhigo oo ah xarriiq goobaaban oo dadban oo tagoogta lagu dhigo.
dhaaddisaar [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Dh. ah: neef markii uu dhalay rimay.
dhaad [m.l] (-dad, m.l)
Meesha kubku u yaryahay ee canqawga ka sarraysa.
dhaad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Neef qoob ka xirid si aanu u cararin. 2. Dheri, xeero, burjiko iwm tolid. 3. Wax fahmid ama garasho (cid). ld dhaag.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg