dhaan
(m.l) (-aaman, m.l)1. Doonidda iyo keenidda biyo meel fog laga doono. 2. Gaadiid weel biyo ku jiraan ama lagu doonayo saaranyahay.
dhaan
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-aamay, -aantay; -aami)1. (f.g) Wax wasakh marin. 2. (f.mg) Wax, wax kale ka fiican ahaansho. 3. Ku dh.: wax, wax kale ku beddelasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhaan ↴
oommane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
1. Meel aan biyo lahayn. 2. O. ah: dhaan aan gaarin biyihii meesha uu ka heli lahaa.
waddo-dhaan [m.dh]
Dhabbaha dhaanku maro.
xab [m.l]
1. Dhareer is-haysta oo layiig ah oo xuubabka jilicsan oo oogada ka yimaada, ka soo go'a; balqan. 2. Biyo badan oo xalliban ah oo mandheerta iyo ilmaha dhalanaya la socda. 3. Ukunta biyeheeda cad. 4. Harag jilicsan oo sida sibraarka u samaysan oo biyaha lagu dhaansado.
bidhaan [m.l] (-aamo, m.l)
1. Muqaal meel fog laga arko. 2. Tiro aad u yar oo ari ah oo gaar u daaqa. 3. ld bidhaamid.
bidhaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay)
1. Wax meel fog ka muuqasho. 2. Iftiin ama dhalaal yar meel ka birbirid.
bidhaansad [m.l]
ld bidhaansasho.
bidhaansasho [m.f.dh]
eeg bidhaanso. ld bidhaansad, bidhaansi.
bidhaansi [m.l]
ld bidhaansasho.
bidhaanso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Wax bidhaantooda eegasho.
cilladhaan [m.dh]
ld qayladhaan.