dhab
(m.dh)1. Wax run ah oo kaftan iyo ciyaar ahayn; xaqiiq. 2. Xuddunta iyo lowyaha inta u dhexeysa (dad).
Qardhabisa*
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
dhabaq*
halaysan, la wasakheeyay.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Macne Dheeraad ah
geedo u sameysan sida tiirarka oo lagu dahaaro afka hore ee qabriga inta aan ciida lagu aasin
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhab ↴
udo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Saxaro. 2. Cudur geela dhabxanagga kaga dhaca. saxaro
daacad [m.dh]
Qof niyad samida ama mukhlisnimada uu muujinayo ay ka dhabtahay.
faan [m.l]
Hadal aan dhab ahayn oo cid lagu ammaano.
caado wareer [m.dh]
Waa nooc xanuun caado dumarka intooda badan la kulmaan inta ay noloshooda jirto. Erayga caafimaad ahaan loogu isticmaalo waa dysmenorrhoea. anuunka uu keeno caadaada dhiigga waxaa laga dareemi karaa qaybta hoose ee calooshaada laakin waxuu ufaafi karaa dhabarkaaga iyo cajiradaada.
jaal [m.l] (-lal, m.l)
1. Saaxiib dhab ah; rafiiq; waday. 2. Koox tartan ciyaareed ku wada jira qof ka mid ah.
naanays [m.dh] (-so/-syo, m.dh)
Magac dheeri ah oo loo yaqaan qof, kaas oo aan ahayn magaciisa dhabta ah; koofaar. ld naynaas¹.
naanays [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
1. Ku n.: qof magac dheeri ah oo aan kiisii dhabta ahaa ahayn u bixin. 2. Ku n.: cid falkeeda dhaliilid. ld naynaas².
qaadaadhig [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Arrin si dhab ah u faaleyn.
waalli [m.dh]
(daaw.) Isbeddel daran ee dhimirka oo caan ku ah habka fakaridda oo aan dhammayn iskuna xirneyn; abbaaridda dhabta oo beddelan; iyo jawaab celin caadifi ah.
waddee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-deeyay, -daysay)
1. (f.g) Badeeco si nadaamsan u rasayn. 2. (f.mg) Dhul waddo ka bannayn. 3. (f.mg) Cid dhabbe qoodayn ama marmarid.