dhacar
(m.dh)1. Cagaar soo baxa waqtiga jiilaalka ah. 2. Dhirta dhulka oomanaha ah ka baxda oo biyaha badan, oo xoolaha daaqayaan oomin. 3. Xoolaha, oo dhirta jaadkaas ah, la daajiyo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhacar ↴
adaahi [m.dh]
Geed xooluhu ku dhacartaan oo leh sal weyn oo wada buruq ah iyo laamo yaryar oo dhuudhuuban.
dhacarad [m.l]
ld dhacarasho.
dhacarasho [m.f.dh]
eeg dhacaro. ld dhacarad, dhacarsad, dhacarsasho, dhacarsi.
dhacarato [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dadka xoolohooda geeya oo ku dhaqa dhulka dhacarta leh oo oomanaha ah. ld dhacarsato.
dhacari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Xoolo meel dhacar leh soofin.
dhacarin [m.f.dh]
eeg dhacari. ld dhacaris.
dhacaris [m.l]
ld dhacarin.
dhacaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Dhul oomane ah oo dhacar leh, xoolo ku hayn oo ku dhaqaalayn; dhaqar daaqid. ld dhacarso.
dhacarsad [m.l]
ld dhacarasho.
dhac [m.l]
1. Si xoog iyo sharcidarro ah oo hanti cid kale leedahay lagu qaato. 2. Dh. ah: hanti si xoog iyo sharcidarro ah lagu soo qaatay. 3. ld dhicid.
dhac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday; -dhici)
1. (f.g) Hanti cid kale leedahay si xoog iyo sharcidarro ah ku qaadid. 2. (f.g) La dh.: ul, karbaash, gacan iwm wax ku garaacid. 3. (f.g) Dhurwaa habeen xero xoolo ku jiraan weerarid. Tus. “Dhurwaa baa xeradii u dhacay”. 4. (f.mg) Wax meel sare ka soo dillaamid. 5. (f.mg) Ku dh.: imtixaan ku gudbi waayid. 6. (f.mg) Qorrax, dayax iwm godgelid. 7. (f.mg) Wax waqti loogu talaggalay dhammaysasho. 8. (f.mg) Dabayl xoog u socosho. 9. (f.mg) Xabbad iwm qarxasho. 10. (f.mg) Wax culus oo aan la filayn soo kordhid. 11. (f.mg) La dh.: wax si aad ah ugu bogid. 12. (f.mg) Ku dh.: wax aan laga fiirsan falid. 13. (f.mg) Ku dh.: dhar iwm lebbisasho. 14. U dh.: si dhuumasho ah wax u boobid. 15. (f.mg) Biyo aan loo miyayn cabbid (xoolo).