Site icon Qaamuus

jawaabta

dhacdhac
(m.l)

1. Tabaryari darteed oo lala kufkufo; liiqliiq; dalanbaabbi. 2. Hal hal u qubasho; daadad. 3. Gefaf yaryar. 4. ld dhaadhac 1 (3). 5. ld dhacdhicid.

dhacdhac
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-cay, -cday; -dhici)

1. Tabaryar darteed la kufkufasho; liiqliiqid; dalanbaabbin. 2. Dhawr mar dhicid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhacdhac

adaadax [m.l]
1. Socodka lala dhacdhaco tabar darro darteed. 2. Meesha ay iska galaan dhulka iyo buurta.

alaalax [m.l]
1. Socod lala dhacdhacayo tabar darro awgeed; 2. A. ah: qof sakhraansan.

alaalax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday)
Tabar darro awgeed la dhacdhacid.

caanallul [m.dh]
Cayayaan yar oo sida doorshaanka qolof adag leh oo inta hadba istaaga, salka dhulka la dhacdhaca.

dhaadhac [m.l]
1. Lacag aan la xoogsan oo qofka siyaaba dadban ku soo gasha. 2. ld dhaadhicid. 3. ld dhacdhac¹.

dhacdhicid [m.f.dh]
eeg dhacdhac². ld dhacdhac¹ (5), dhicdhicid.

kufkuf [m.l]
Dhicdhicidda qof tabar yari la dhacdhaco.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version